Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Dileyta oo khudbad ka jeediyey Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliye Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa marti ku ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nabay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita iyo wafdi xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ku dheeraaday xiriirka soo jireenka ah u dhaxeeya labada dal iyo kaalinta dowladda Jabuuti ay ku leedahay dib u dhiska dalka iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kaga mahadceliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaadeen Muqdisho iyo sida ay u aqbaleen casuumaada uu u diray.

“Madaxda iyo Shacabka Jabuuti waxaan abaal weyn kaga heynaa sida ay noo garab istaageen mudada aan burburka ku jirnay iyo sida ay dhiigooda inoogu hureen ma ilaawi doonno abaal weyn ayaan uga heynaa. Booqashada Guddoomiye Dileita Mohamed waa mid lagu xoojinayo xiriirka labada baarlamaan, waxaan idiin ku soo dhaweynayaa xarunta Golaha Shacabka iyo dalkiina labaad”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Waxaan ka mahadcelinayaa casuumadda iyo soo dhaweynta walaalnimo ee uu inoo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan halkan ka cadeynayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu si joogta ah ugu howlan yahay sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo nabad waarta, isagoo mar walbo ku dhagan sidoo kalena adkeynaya walaalnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaan Alle ka baryayaa inuu barakadiisa u hibeeyo dadkeena, labada dalna ka nabad geliyo wax kasta oo dhibaato iyo qalalaase ah”, ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Guddoomiye Dileita Mohamed ayaa sheegay iney sii socon doonaan booqashooyinka madaxda iyo xildhibaanada labada baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka walaalnimo ee labada shacab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo saaka xiran & ciidankii xasilinta oo mar kale lagu arkay

Caydiid Ali

Qaxooti laga qaaday Liibiya kuna jiraan Soomaali oo gaaray Kigali (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hogaamiye afgembi ku qabsaday xukunka oo muddo kordhin dheer sameystay

Caydiid Ali