Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dileyta Maxamed Dileyta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed, iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa Guddoomiye Baarlamaanka dalka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita ayaa maanta ka qeyb galay kulanka Golaha Shacabka, isagoona ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo magaalada Baledweyn oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo Wargelin cusub oo Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade