Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo war cusub kasoo saartay Weerarkii Israa’il ku qaaday xarumo milatari

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa dhawaan weerar culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday xarumo milatari oo kuyaalla dalka Iran, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur xarumo milatari iyo hub.

Wasiirka difaaca ee dowladda Iran Sarreeye Guuto Aziz Nasirzadeh, ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay isku dayeen in ay garaacaan labada awood weerar iyo difaac ee leeyihiin milatariga  Iran Sabtidii, waxa uuna xusay in uusan qorshahaasi u suurto gelin Israa’iil kuna fashilmeen.

“Sababtu waxay tahay in aagagga ay isku dayday inay waxyeeleyso Israa’iil, waxaan qaadnay tillaabooyinka difaaca ee lagama maarmaanka ah, waana nalagu wargeliyay weerarka ay damacsanaayeen,” Sarreeye Guuto Aziz Nasirzadeh ayaa sidaasi u sheegay wariyeyaasha.

Waxa uuna Wasiirka Difaaca dowladda Iran intaasi ku daray”Dhanka kale, xitaa haddii ay shay dhaawaceen, aqoonta loo leeyahay waa mid asal ah. Waxaan xitaa bedelnay mid ka mid ah nidaamyada difaaca maalin ka dib.”

Markii wax laga weydiiyay wasiirka sheegashada ah in dhammaan nidaamyada difaaca gantaallada ee S-300 ee Iran uu sameeyay lagu burburiyay weerarradii Israa’iil, Nasirzadeh wuxuu ku celiyay oo kaliya in “aqoonta ay tahay mid asal ah, markaa wax dhibaato ah kuma qabno nidaamka difaaca.”

Dowladda Iran ayaa dhankeeda laga cabsi qabaa in mar kale qaadaan weerar kale oo aargoosi ka dhan ah Israa’iil, waxaana jira digniino laga bixinayo in dagaal culus uu ka qarxo bariga dhaxe ,kaa oo saameyn badan gobolka ku yeelan doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo ciidamo badan oo lasoo dhoobay Magaalada

Cabdi Cade

Mareykanka oo sheegay inuu qabtay xubin Shabaab ah oo ka soo talaabay xadka Mexico

Caydiid Ali

Puntland oo labgu wareejiyay baabuur loogu tala galay in bulshada loogu adeego (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---