Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee xarunta gobolka Westren Cape ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in xalay deegaan katirsan magaaladaasi lagu dilay wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo halkaasi ka shaqeenayay.
Kooxo burcad hubeysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen dukaan Soomaali leedahay oo ku yaallay deegaanka Khayalisha, waxa ayna halkaasi burcada hubeysan ka geesteen dil iyo sidoo kale dhac , iyagoona goobta isaga baxsaday markii dambe.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeysan ayaa halkaasi ku dishay Suleymaan Ahmed Mahamuud oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxaana la sheegay burcada in si bareer ah u dileen wiilkaasi Soomaaliyeed xilli ay ugu galeen dukaankii uu joogay.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilkan Soomaaliyeed, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah ayna rajeenayaan in lasoo qabto burcadii dilka ka dambeesay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday meel lagu gumaado dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday, waxaana si joogta ah dhalkaasi magaalooyin katirsan dilal , dhaawac iyo dhacba loogu geestaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com