Ciidamada Israa’iil ayaa khasaarooyin hor leh kala kulmaya duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana kooxda Xamaas oo jilbaha u dhigtay ciidamada Israa’iil hadda gaarsiiyeen khasaarooyin xanuujiyay askarta Yahuuda.
Ciidamada milatariga Israel ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in afar askari oo katirsanaa ciidankooda uuna ku jiro sargaal sare lagu dilay gudaha Jabalia, kaddib markii qarax laga farsameeyay haraadiga gantaalaha ay adeegsadeen Israa’iil lala eegtay.
Askartan ayaa la sheegay in lagu qarxiyay guri kuyaalla deegaanka Jabalia oo ay ku sugnaayeen , waxaana goobtan lagu dilay ciidamada Israa’iil tahay goob ay maalmihii lasoo dhaafay joogeen ayna ku godoomiyeen shacabka ku dhaqan Jabalia, Beit Lahiya iyo guud ahaan waqooyiga Qaza.
Sidoo kale, millatariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay dhimashada askari kale oo uga dhintay dhaawac ka soo gaaray jiidda waqooyi, dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan, waxa ayna warkan qirashada milatariga Israa’iil khasaaraha soo gaaraya sii kordhineysa cabsida iyo walwalka askartooda lasoo darseysa.
Tiradan khasaaraha soo gaaraya ciidamada Israa’iil ayaa sii kordhaysa, in ka badan 600 askari ayaa lagu dilay duullaanka magaalada Gaza tan iyo bilowgii weerarka dhulka, in ka badan 900 oo askarina waa lagu dhaawacay duullaanka ay qaadeen milatariga Israa’iil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com