Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh: “Puntland & Jubbaland Waa raadinaynaa” (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Munaasabadda caawa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay kulankaas inay Xukuumadiisu ka go’antahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo in aan marnaba lagu laaban hanaankii hore ee doorashada dadban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.

Xassan Shiikh ayaa sidoo Kale u sheegay Xildhibaanada in maalinta Khamiista uu hor imaan doono labada aqal ee Baarlamaanka oo wadajira si uu ugu jeediyo Khudbad ka hadlaysa qorshaha ay Dowladdiisu ka leedahay geedi-socodka dalka iyo qabsoomida doorasho shacab.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba uusan raadineyn mudo kordhin, isagoo balanqaaday in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto.

Warar allbanaadir Online heshay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu marka uu hortago Baarlamaanka uu ka codsan doono in la kordhiyo waqtiga Kalfadhiga Baarlamaamka oo bishan dhalanaysa bilowgeeda xirmi lahaa, hasa ahaatee uu codsan doono mudo u dhaxaysa 30 ilaa 40 cisho in lagu daro  si uu u horkeeno Baarlamaanka Sharciga Doorashada uu doonayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale caawa ka sheegay casha sharafta uu u sameeyay Xildhibaannada labada Aqal, Guddoonka iyo Madaxda kale inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada  maqan ee Puntland iyo Jubbaland, haddii ay ogolaadaana uu u safrayo.

“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu” ayuu yiri Madaxweynaha

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA IYO SAWIRADA KULANKA

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Ciise Ducaale

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo loogu baaqay in ay hor yimaadaan Baarlamaanka si ay …

Cabdi Cade

Muxuu Deni ku soo arkay Safaarada Somalia ku leedahay Lusaka-Zambia? (Sawirro)

Caydiid Ali