Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay shirka Milipol Qatar ee ay Somalia ka qeyb gashay?

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaga qaybgalay daah-furka daabacaadda 15-aad ee Bandhigga Milipol Qatar, oo ah dhacdo heer caalami ah oo diiradda lagu saaray amniga gudaha iyo kan heer caalami.

Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ayaa ka dhacaya xarunta bandhigga iyo shirarka ee Dooxa, waxaana ka soo qayb galay wasiirro iyo masuuliyiin sar sare oo ka kala yimid dalal kala duwan oo ka tirsan caalamka.

Wasiirka Amniga gudaha XFS ayaa soo bandhigay doorka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga amniga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay in la wadaago teknoolojiyadda casriga ah ee lagu horumarinayo amniga iyo nabadgelyada guud ahaan dunida.

Milipol Qatar, oo ah mid ka mid ah bandhigyada ugu waaweyn ee looga hadlo amniga, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay adeegyo iyo nidaamyo cusub oo lagu horumarinayo amniga caalamka, kuwaas oo la filayo inay kor u qaadaan iskaashiga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah.

Related posts

Dowladda Somalia oo si kulul uga hadashay Culimadii lagu laayey Raage-ceelle

Caydiid Ali

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah

Cabdi Cade

Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray dagaalkii ka dhacay degaanka Xaaji Cali

Caydiid Ali
Taboola Ads ---