Shirka Golaha amniga iyo nabada Midowga Africa oo ay shir gudoomisay dowladda Masar ayaa waxaa lagu meel mariyay War murtiyeed horay ugu soo baxay Golaha oo dhigayay in Dowladda Soomaaliya qaadato go’aanka wadamada ka mid noqonaya howlgalka AU-da ee Soomaaliya
War Murtiyeedkaas ayaa dhigayay in ciidanka Masar iyo Kuwa Jabuuti ka qayb qaataan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, iyadoo talaabadan ay ka dhigan in ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalkaas
Xoghayaha Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa si cad u sheegay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada Itoobiya howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya AUSSOM.
“Dal kasta oo aan ixtiraamin madax-banaanideena laguma dari doono ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala” ayuu sheegay Khudbadiisa.
Bayaankan ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo in ciidan kasta oo shisheeye uu la jaanqaado danaha qaranka iyo ilaalinta midnimada dalka.