Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab oo doonayay inuu fal dil ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen, waxaana maanta lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan la qabtay oo ku hubeysnaa bastoolad gacanta lagu dhigay xili uu isku dayey inuu diul u geysto ganacsade ku sugnaa goobtiisa.
Mudooyinkan waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay dilalka loo geysanayo ganacsatada goobahooda ganacsiga ku xiray kaameradaha CCTV ee dowladu amartay, waxaana dableydaas dilalka geysanaya la aaminsan yahay iney ka tirsan Al shabaab oo ka soo horjeeda Kameradaha amniga in lagu xiro magaalada.