Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo caawa fal dil ah ka geystay Muqdisho

Fal dil ah ayaa caawa maqribnimadii ka dhacay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ka dib markii koox hubeysan ay toogteen askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Ragga wax dilay oo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa goobta ka baxsatay markii ay dilka geysteen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Askariga ayaa la sheegay inuu xirnaa dareyska ciidamada milateriga, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar.

Waxaa goobta gaaray ciidamada Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka qaaday meydka askariga la dilay, mana ahan markii ugu horeysay ee dil noocan ah uu ka dhaco nawaaxiga suuqa Bakaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hey’ad caalami ah oo Maraykanka ku eedeeysay inuu shacab ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Taksiile maaro looga waayey kufsiga haweenka gaarigiisa raaca oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Waa Maxay Coronavirus? (Baro Calaamadaha lagu garto iyo sida looga hortago)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---