Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Somaliland oo raadinaya rag hubeysan oo taaageersan xisbiga Kulmiye

Hay’adda Sirdoonka maamulks  Somaliland ayaa markii u horraysay ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo lagu arkay bistoolado iyo qoryo.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayay lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono qaar kamid ah taageerayaasha Kulmiye oo bistoolad iyo qoryo ku soo bandhigay ololihii xisbigaasi ee Hargeysa.

Hay’adda Sirdoonka ee NIA, ayaa sheegtay in lagu dabo jiro lana soo xiri doono ragan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargaysa islamarkaana la soo baxay bistoolado iyo qoryo taasi oo cabsi abuurtay.

“Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraalka hay’addaasi.

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan.

 

Related posts

Milateriga Israel oo sheegay iney heleen Godka ugu weyn Xamaas ee Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Masar oo ka carootay hadal ka soo yeeray Wasiir Israaiili ah

Caydiid Ali

Su’aalo laga keenay qaabka uu u dhaawacmay Ciyaaryahanka caanka ah ee Max’ed Saalax (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---