Wasiiru -Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika, Danjire Yoonis, iyo Danjire ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Martin Stein, ayaa ku soo dhaweeyay Wakiilka Gaarka ah ee Jarmalka ee Geeska Afrika, Danjire Heiko Nitzschke, xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Muqdisho.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xasilloonida gobolka, amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025.
Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka, wax ka qabashada caqabadaha amniga ee gobolka, iyo doorka Soomaaliya ee maamul caalami ah, gaar ahaan arrimaha Sudan iyo Haiti. Labada dhinac waxay xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan horumarinta dadaallada wadajirka ah, kobcinta dhaqaalaha gobolka, iyo taageeridda howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya hogaamiso, iyadoo laga faa’iidaysanayo taageerada EU kadib dhammaadka ATMIS ee 2024.
Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada, oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish. Wuxuu adkeeyay muhiimada xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed si loo gaaro nabad waarta oo gobolka ah, isagoo ballan qaaday inuu adeegsan doono dhammaan hababka suurtagalka ah si loo gaaro ujeedkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com