Allbanaadir.com
NEWS

Weeraro dhaliyay khasaarooyin oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo…

Waxaa caawa weeraro bambaano oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan ka dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, waxaana weeraradan waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oon waxba galabsan.

Weerarka hore oo loo adeegsaday bambaano nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray goob ay joogeen ciidamada ammaanka oo kutaalla degmada Garasbaaley, waxaana bambaanadaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen afar qof oo saddex kamid ah yihiin shacab .

Dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano ayaa la sheegay in goobta uu si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana dadkii ay dhaawacyada soo gaareen loola cararay xarumo caafimaad oo lagula tacaalayo dhaawacyadii soo gaaray.

Dhinaca kale goob maqaayad ah oo kutaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne , ayaa iyana caawa lagu tuuray bambaano, waxaana weerarkaasi iyana la sheegay in ay ku dhaawacmeen lix qof oo qaarkood yihiin dad shacab ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana magaalada saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal loo geestay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato, kuwaa oo kaliya loo dilayay in kaamirooyinka CCTV ku xirteen goobahooda ganacsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo shaaciyay in Jawaab ku habboon siin doonaan dowladda Holland

Cabdi Cade

Siyaasi Warar Been abuur ah laga faafiyay oo si arxan daro ah loo dilay !!

Cabdi Cade

R/W Rooble oo caawa diiday ka qeyb galka Casho Sharaf uu sameeyay Madaxweyne Deni

Cabdi Cade