Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeed xasaasi ah oo loo gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 34-aad ee Golaha Shacabka.

Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ay mudanayaasha Golaha Shacabka sharaxaad ka siisay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo muhiimada uu u leeyahay horumarinta waxbarashada dalka iyagoo guddiga iyo wasaaradda su’aalo ka weydiiyay hindise sharciyeedkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen isagoo faah faahin ka bixiyay dhismaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedkan islamarkaana uu kusoo daro doodaha iyo aragtiyada Xildhibaanadda dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Coronavirus oo weeraray Aqalka Congresska Maraykanka (Xildhibaano laga helay)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo maanta soo bandhigay Qaasim Axmed Dhuxul oo…

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble iyo wefdigii la socday oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---