Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Heiko Nitzschke

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo Nairobi ka dhacaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay Shirka Muqdisho ka furmaya Baaqna u dirtay Farmaajo

Cabdi Cade

Xasan Sheekh ” Kuwa shiidka ka cabanaya waa kuwii Al Shabaab lacagaha u uruurin jiray”

Cabdi Cade