Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo diyaarad ku tagay Burco dhoolotusna ka sameeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo ku guda-jira ololaha maalintii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ayaa safar dhanka cirka ah ku tegay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ,halkaasi oo Madaxweynaha si ballaadhan loogu soo dhaweeyey fagaaraha khayriyada ee Burco. Kumanaan ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ayuu madaxweynuhu kala hadlay fagaaraha.

Ugu horrayn, waxana halkaas ka hadlay masuuliyiin katirsan xisbiga KULMIYEka mid yihiin guddoomiyaha ololaha Xisbiga KULMIYE  , waxay dhammaantood taageerayaasha uga mahad celiyeen muujinta taageerada baaxada leh ee ay u muujiyeen Xisbia KULMIYIE, sidoo kalena waxa ay ugu baaqeen in sidaa ay maanta u muujiyeen taageeradooda ay maalinta codayntana ugu hagar baxaan Xisbigooda.

Ugu Danbayntiina Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE eek u sugnaa Fagaaraha Kheyriyada Burco ayaa uga mahadnaqay muujinta cududdooda ballaadhan islamarkaana hoosta ka xarriiqay in xamaasadda iyo is muujintu ay tahay mid lagu yaqaanno Taageerayaasha reer KULMIYE.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Related posts

Musharaxiin iyo ergooyin ku qulqulaya Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarkii Ankara

Caydiid Ali

Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo kasoo laabatay Fasaxa Umusha (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade