Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka iyo Foodo ka dhacday duugtiisa

Magaalooyin kuyaalla dalka Mareykanka waxaa ka dhaca dilal loo geesto dhallinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi, dilalkaasi qaarkood ayaana la sheegay in ay salka ku heyso arrimo isku dhacyada dhallinyarada dhaxdooda ay ku jiraan kuwa Soomaaliyada.

Waxaa shalay qabuuro kuyaalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka,  lagu aasay wiil 18 jir Soomaali ah oo rag hubeysani ay Jimcihi toogasho ku dileen, raggii dilka u geestay wiilkan Soomaaliyeed ayaana la sheegay in aan wali la aqoonsan.

Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabayay  Maxamed Cabdiraxman, ayaa madaxa laga toogtay xilli uu aaday goob uu Pasketballka ku ciyaari jiray, waxaana socda baaritaanno ay wadaan booliiska oo lagu ogaanayo dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Kooxo dhallinyaro Soomaali ah oo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen dilka wiilka dhallinyarada ah  ,ayaa shalay lagu arkay qabuurihii marxuumka lagu aasayay, waxa ayna taasi  qalqal badan gelisay dadki joogay aaska wiilka Soomaaliyeed.

Cabdishakuur Salaad Maxamed oo kamid ah hogaamiyeyaasha Bulshada Soomaalida Columbus, ayaa warbaahinta u sheegay in qabuuraha xilli uu aaska ka socday lagu arkay dhallinyaro dilka wiilkan lagu tuhmayay, waxa uuna xusay in ragga la tuhmayay iyo kuwa kale oo kasoo horjeeday meesha isku qabsadeen.

Waxa uu xusay Cabdishakuur booliiska magaalada oo xiriir lala sameeyay aysan imaan goobta, waxa uuna sheegay in odayaashii iyo dadkii kale ee goobta joogay kala dhax galeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee is heesatay , ayna kahor tageen in goobta toogasho kale ka dhacdo.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka ayaa waxaa ku jira kooxo gaangistaro ah oo dhaxdooda is dila, waxaana laga guul dareestay in kooxahaasi wax laga qabto iyagoona magaalada dhaxdeeda isku dila iskuna dhibaateeya mararka qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Buugga Hagaha Ganacsiga oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda oo soo bandhigtay hub badan iyo dad lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Tiina Intelmann si weyna uga mahadceliyay (Sawirro)

Cabdi Cade