Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho saakay ka dhacday Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeysan oo wajiyada soo qarsaday , ayaa saakay xaafada Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaqshiid waxa ay ku toogteen afar nin oo dhallinyaro ah, kuwaa oo la sheegay in ay ka shaqeenayeen dukaaman halkaasi ku yaallay.

Sida aan xogta ku helnay ragga hubeysan ayaa hal mar falka kawada fuliyay dhowr dukaan oo isku dhawaa, waxa ayna halkaasi ku toogteen dhallinyaro dukaamankaasi ka shaqeenayay, iyadoona goobta isaga baxsadeen ragga hubeysan markii ay falka geesteen.

Ragga la toogtay qaarkood ayaa lasoo tabinayaa in ay geeriyoodeen, halka kuwa dhaawac ahna loola cararay xarumo caafimaad oo lagu daweenayo, waxaana goobta toogashada ka dhacday gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabadsugida.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaa buux dhaafiyay hooyooyin badan oo ooynaya, kuwaa oo sheegayay in dhallinyarada loo dhameenayo loona dilayo fulinta amarkii dowladda ee ahaa in ay kaamirooyin ku xirana goobahooda ganacsi, ayna dowladda ku fashilantay ilaalinta dadka la dilayo.

Dhallinyaradan saakay la toogtay oo aysan jirin cid ay dambi ka galeen ayaa kaliya loo dhibaateeyay in ay goobahooda ganacsi ku xreen kaamirada CCTV ee dowladda amartay, waxaana dowladda gabtay kaalinteeda ilaalinta amniga shacabka, iyadoona dowladda xireyso qofkii kaamirada iska saara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo Muqdisho ka baadi goobaya gabar loo maleenayo in la afduubtay

Cabdi Cade

Trump oo isku day kale oo dil ah ka bad-baaday iyo ninkii doonayay in uu…

Cabdi Cade

Fadeexad kusoo baxday Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble !!

admin