Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo xiray rag hadal heyn badan abuuray (Sawirro)

Ciidanka booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo ku eedeysan in baabuur ku xadayeen xoolo nool, gaar ahaan arriga.

Raggan oo iyaga oo gaari cusub wata arrina xadaya ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, waxaana labadan nin ee lasoo bandhigay midkood ahaa nin labisnaa oo dhaxda u xirneed, kaa oo hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in raggan lasoo qabtay qeyb ka yihiin shabakad ka howlgasha magaalada Muqdisho, kuwaa oo xatooyo u geesta xoolaha dadweynaha sidoo kale sii iibsada.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in raggan hadda ciidamada ammaanka soo xireen ay ku socdaan baaritaanno, waxa ayna xuseen in raggan la horgeyn doono caddaalad , si loogu qaado kiiska dambiga ay galeen.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan biurcad nuucyo kala duwan ah, waxaasa dad badan layaab ku noqotay in la arko rag labisan oo wata gaari cusub oo haddana waddooyinka magaalada ka xadaya arrgiga meelaha socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Facebook oo dhowaan howlgelineysa adeeg cusub oo u gaar ah..

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka laabatay Heshiisyo ay la gashay shan shirkadood (Akhriso)

Cabdi Cade

Israa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen

Cabdi Cade