Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo la kulmay guddi shaqo muhiim ah loo xil saaray (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Xarunta madaxtooyada Jubbaland ee kutaalla magaalada Kismaayo ku qaabilay guddiga dib-u-dhiska buundooyinka bur buray ee kuyaalla gobolka Gedo.

Guddigan oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqaynaya sidii isku tashi bulsho loogu bilaabi lahaa howlaha dib loogu dhisayo buundooyinka gobolka ee ku burburay roobabkii u danbeeyay ee ku dhuftay inta badan dalka.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhagaystay dadaalka ay wadaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee la xiriira sidii loogu istaagi lahaa dhismaha Buundooyinkan muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in marka lasoo dhameeyo ololaha hada socda khuburo loo saari doono qiimaynta shaqada iyo sida ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo buundooyinka burburay isla markana dadweynaha iyo maamulka Jubaland oo iskaashanaya ay si wadajir ah u bilaabi doonan dhismaha Buundooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Riyadh (Sawiro)

Caydiid Ali