Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ballaarinaya iskaashiga ka dhaxeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka

Labada Wasiir ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.

Sacuudiga ayaa xilligan kamid ah dowladaha Soomaaliya dhinacyo badan ka taageera, waxa ayna Sacuudiga marar badan dowladda ku caawi8yeen dhaaale, sidoo kale dalka waxa ay ka fuliyeen mashaariic kala duwan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarriga ka jaray Madaxtooyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo gaaray heshiis dan u ah labada dal (Daawo Sawirada)

admin

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo ku dhawaaday Guriceel iyo Cabsi jirta

Cabdi Cade