Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Al Sisi oo soo jeediyay qorshe dan u ah Isra’il iyo Xamaas

Madaxweynaha Masar Cabdelfatax Al-Sisi ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisa uu soo jeediyay xabbad joojin laba maalmood ah oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas, muddadaas oo lagu sii deyn doono afar qof oo ka mid ah Isra’iiliyiinta ku afduuban Gaza.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in soo jeedinta ay sidoo kale qeyb ka tahay in xasbiyada Isra’il laga sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta iyo in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo Marinka Gaza.

Sisi wuxuu sheegay in qorshana soo jeedinta ah ay ujeedadiisu tahay “in xaaladda horay loo sii wado,” iyo in ugu danbeynti la gaaro xabbad-joojin joogta ah.

Ma jirto jawaab deg deg ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxday Isra’il iyo Xamaas oo ku saabsan warka kasoo baxay Dowladda Masar. Wadahadallada soo socda ee xabad-joojinta Gaza ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa garwadeen ka ahaa wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee u dhaxeya Isra’il iyo Xamaas, kaas oo billowday 7-badi bishi October ee sannadki 2023.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaar oo dhaqaale ku bixiyay Doorashada Guddoonka Aqalka sare

Cabdi Cade

Ciidamo gurmad ah oo gaaray Magaalada Boosaaso iyo Khasaaraha dagaalkii maanta

Caydiid Ali

Kulankii Baarlamaanka oo furmay iyo Sheekh Aadan Madoobe oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Cabdi Cade