Ciidanka xoogga dalka Sooaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland , ayaa saakay fashiliyay weerar qorsheysan oo kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada ku leeyihiin halka loo yaaan sariiraha oo katirsan deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka KIsmaayo.
Sida aan xogta ku helnay weerarka kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen koontaroolka ay joogeen ciidanka ayaa ku bilowday qarax iyo rasaas xooggan, waxaana labada dhinac dhax maray iska hor imaad daqiiqao badan halkaasi ka socday.
Taliyaha ciidamada daraawiishta, gaar ahaan guutada labaad Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdi Ciilmooge, ayaa sheegay in ciidamada saakay fashiliyeen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna xusay taliyaha in ay hayeen xogta weerarkan ayna kahor tageen .
Waxa uu sheegay in jab xooggan gaarsiiyen saakay kooxdii weerarka kusop qaaday ayna ka dileen xubno badan, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada ay hadda wadaan baacsiga firxadkii ka baxsaday kooxdii saakay weerarka kusoo qaaday.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa marar badan fashiliyay weeraro qorsheysan oo kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen saldhigyo ciidan, waxaana Al Shabaab weeraradaasi lagu gaarsiiyay khasaaro aad u xooggan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com