Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka xoogga oo kulan xasaasi ah la qaatay Soner Oruçoğlu

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Turkiga, kuwaa oo dhawaana soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigaan waxaa hogaaminayay ku-xigeenka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Sarreeye Guuto Soner Oruçoğlu, waxaana ku wahlinayay masuuliyiin sar sare oo Turkiga u qaabilsan dhanka dhismaha ciidamada.

Waxaa kulankaan dhax maray Wasiirka iyo saraakiisha Turkiga diiradda lagu saaray dhismaha ciidamada XDS, maadaama dowladda Turkiga ay kaalin-weyn ku leedahay, dhismaha ciidamada, diyaarinta iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowladda Turkiga ku amaanay garab istaaga joogtada ah oo ay la garab-taagantahay dalkeenna, waxuuna balanqaaday in si dhab ah looga faa’iidaysan doono fursadaha ciidan ee dalkeenu ka helaayo dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fursad Qaali ah :Ma u baahan tahay in caruurtaadu muddo kooban ku bartaan Quraanka?

Cabdi Cade

Maxay yihiin xubnaha lagu hor dhaariyey Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Xamse Barre oo shacabka ugu hambalyeeyey Xuska maalinta 12-ka Oktoobar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---