Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanada DF ee Puntland ka soo jeeda?

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Deni iyo Xildhibanada ayaa ka wada hadlay khilaafka mudada dheer ka dhex aloosan madaxda DF iyo Puntland iyo weliba sidii khilaafkaas meesha looga saari lahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay Xildhibanada labada aqal ee ka soo jeeda degaanadaas in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal uu la galo DF balse taas maamulka Xassan Shiikh hogaamiyo aysan diyaar u aheyn sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah xibnaha ka qeyb galay kulankaas.

Xildhibanada labada aqal ayaa balan-qaaday iney ku dedaalaayaan marka ay ku laabtaan magaalada Muqdisho iney ka shaqeeyaan sidii loo hagaahin lahaa xiriirka DF iyo Puntland ayna kulamo arrintaas la xiriira la qaadan doonaan madaxda dalka si wax xaliyo tabashooyinka Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , xubno ka mid ah Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.

Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Puntland badakood ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe halkaasoo ay kaga qeyb galeen furitaanka kalfadhiga baarlamanka Puntland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nin qaawan oo toogasho dad lagu laayey ka geystay Magaalada Nashville (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika oo geeriyooday iyo dad badan oo ka hadlay geeridiisa

Cabdi Cade

Militariga Itoobiya ayaa dilay dad ka badan 40 qof, xabsina dhigay Saraakiil

Caydiid Ali