Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo si kulul uga hadashay weerararkii Israel ku qaaday Iran

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii Israa’iil ay xalay ku qaaday Iran

Qoraal ka soo baxay wasaaradda waxay Soomaaliya ku sheegtay weerarka inuu xad-gudub ku yahay madax bannaanida Iran iyo shuruucda caalamiga ah, sidoo kale dowlada ayaa ka digtay fiditaanka dagaalka bariga dhexe.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa, duullaanka gardarrada ah ee ay Israa’iil ku qaadday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxayna ku nuuxnuuxsatay mowqifkeeda adag ee ay ku diidan tahay sii socoshada colaadda gobolka, waxayna soo cusboonaysiisay dalabkeedii beesha caalamka ee ahaa in loo baahan yahay in la qaato. tallaabooyin dhab ah oo lagu ilaalinayo amniga gobolka iyo dadka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada

Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta iyo ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iran, kaasoo ay uga jawaabaysay weerarkii gantaallada ee kowdii bishan ay Iran ku qaaday Israa’iil.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO CARABI KU QORNAA

 

Related posts

Sargaal loo heestay dilka Madaxweyne Sheikh Mujibur Rahman oo la dal dalay

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Ku Jirta Liiska Dalalka uu ka jiro Hufnaan La’aanta Maaliyadeed

Cabdi Cade

Dil goor dhow ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Caydiid Ali