Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiisha Israel: “Waa nalagu qiyaamay dagaalka Xisbullah”

Illaa 8 Askari ayaa la dilay 61 kalena  Israa’iil waa looga dhaawacay dagaalladii ka dhacay xadka Lubnaan 24 saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Al Jazeera oo xiganaysa hadal ay soo saareen ciidanka Israa’iil.

Ciidanka Yuhuuda ayaa illaa hadda fooda gelin la’a xadka Lubnaan muddo ku bil ku dhow oo ay howlag dhulka ah ka wadaan xadka labada dal ka dib markii ay iska caabin adag kala kulmeen xoogaga Xisbullah.

Israa’iil ayaa doonaysa inay hal illaa labo toddobaad ku soo gabagabeyso howlgalka dhulka ee koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay Al Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ee ka dagaallamaya xadka Lubnaan ayaa ku cabanaya in lagu dayacay dagaalka oo naftooda halis la geliyay.

Hadalkan wuxuu soo baxay saacado kaddib markii ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka in dagaalkan lagu khiyaamay, sidoo kale dagaalka wuxuu dhaliyay si dhaqso ah in ciidanka looga saaro saraakiisha ugu sarreysay iyo guutooyinkii kumaandooska ee lahaa khibrada dagaalka ee Israa’iil, haddii sidan lagu dhammeeyo howlgalka, mar kale ayay Israa’iil guul-darro ka soo qaadatay Lubnaan, markii hore waxay ahayd dagaalkii 2006.

Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant wuxuu ku dhawaaqay inay ku jiraan waqti adag

Ugu yaraan 15 qof ayaa sidoo kale dhaawacyo culus ay ka soo gaareen gantaallo ay Xisbullah ku weerartay waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato , iyadoo laga arkay muuqaallada burbur gaaray dhismayaal.

Dhinaca kale Sarkaal sare ayaa Israa’iil looga dilay dagaalka Qasa, maalin dhimashada askarta iyo rayidka lagu sheegay inay tahay middii ugu badnayd

Xaaladda ka taagan marinka Qasa ayaa iyana ah ah mid niyad-jab leh , sababtoo ah si ka duwan xaalad kasta hadda waxaa sare maray xasuuqa iyo weerarrada aan horey loo arag.

Diyaaradda Israa’iil waxay joogteeyeen inay duqeymo la beegsadaan isbitaalka Kamaal Adwan oo ka mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee adeegga bixiya, hadda weerarrada sida tooska ah loogu qaaday waxaa ka dhashay dhaawaca shaqaalaha isbitaalka iyo inuu burbur gaaray inta badan qolalka bukaannada ay ku jiraan.

Sidoo kale kooxaha gurmadka ayaan awoodin inay soo qaadaan dhaawacyada iyo meydadka daadsan waddooyinka waqooyiga iyo bartamaha Qasa , sida uu Al Jazeera u sheegay agaasimaha isbitaalka Kamaal Adwan oo tilmaamay aamusnaanta dunidda inay ka dhalanayso ciidanka Israa’iil inay qabsadaan isbitaalka, markaa oo ay tahay waxa la filanayo inay dadku u dhintaan dhaawacyada..

 

Related posts

Haweeney qaliin looga sameeyey caloosha oo laga soo saaray 158 nooc oo biro ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray Muslimiintii New Zealand lagu gumaaday

Caydiid Ali

War Deg Deg ah: Taliyaasha Ciidanka dowlada oo Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay Ciidankii Jawaari uu ….

Cabdi Cade