Wasiirka Batroolka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo la xiriiray Maap muran dhaliyey.
Maapkan ayaa ku sawirnaa boor Wasaaradu ay shalay ku soo bandhigtay munaasabad lagu soo dhoweynayey markabka shidaal sahmminta Turkiga oo ka dhacday dekeda Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed isagoo ka jawaabayay khariirada ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.
Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo.
“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wasiirka batroolka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka Deni oo ku aadan khariidada muranka dhalisay, isagoo sheegay in khariidadan la sameeyey 2015 ayna ku timid khalad farsamo oo ka dhacay shirkadii daabaceysay boorkaas taasoo uu sheegay in wasaaradu ay ka bixisay raali gelin buuxda.
“Oohinta Orgiga ka weyn, Deni wuxuu rabay in shirkad uu gaar u watay ay shidaal baaris samayso weliba wuxuu sheegay in saxiix ku yeelanayo arrintaas taasoo aan diidnay maadaama arrintaas ay tahay mid ay awood u leedahay DF oo kaliya waxaa nasiib daro ah inuu maanta yiraahdo waxbaa qaldan isagoo soo xiganaayo Maap loo wada jeedo waqtiga la sameeyey si qaldana meesha ku yimid, si uu u siyaasadeeyo horumarka shacabka Soomaaliyeed
HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA