Allbanaadir.com
NEWS

Sidee DF & Maamuladu u qeybsanayaan khayraadka dalka?

Dowladii uu Hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo iyo Hogaamiyayashii Dowlad Gobaleedyada ayaa  Baydhabo 2018-kii ku wada saxiixday Heshiis loogu magac daray heshiiska lahaanshaha iyo maamulka wadaaga dhakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Qodobada heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa mid quseeya macdanta iyo Shidaalka dalka iyo qaabka loo qaybsanaayo deegaanada Soomaaliyeed waxana heshiiskaas qodobadiisa ka mid ah sidatan:

Shidaalka laga soo saaro badda ayaa loo kala qaybsan doonaa sidan:

1-Dowlada federalka waxaa helaysaa dhakhli   55%

2-Maamul Goboledka laga soo saaro dhakhli ah 25%

3-Degmada uu hoos yimado ceelka waxey heleys10%

4-Maamulada kale iyo Gobalka banaadirna 10%.

Sidoo kale Shidaalka laga soo saaro berriga ama dhulka waxaa loo qaybsan doonaa:

1-Dowlada federalka ay hesho 30%

2-Maamul Goboledka laga soo saro waxu helaya 30%

3-Degmada uu hoos yimado celka waxey heleysa20%

4-Maamulada kale iyo Gobalka banaadirna 20%.

Khubarada dhanka maaliyada iyo harumarinta ayaa ka digaya in heshiiskaas uu horseedayo in maamul gobaleedyada ay kala dheereeyan oo maamul gobaleedkii shidaal leh uu ka hormaro kii  aanan shidaalka lahayn. sidaa daraadeedna ay ku talinayaan in  lagu laabto heshiiskaasi oo dheelitir lagu sameeyo

 

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyey degaan ay gacanta ku heysay Al-shabaab

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Fagaare ku toogtay Labo Nin oo Dambiyo kala duwan ku eedeeyeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Burka Diirimeed iyo Sheekh Shariif oo ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---