Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibanada labada aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey..

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda afaraad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyay warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedka 2023, waxaana Xildhibaanadda Labada Aqal la wadaagay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka .

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday xisaabxirka sanad maaliyadeedka 2023 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, sedax xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2025, waxaana Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Uurdoox) uu Goluhu la wadaagay warbixinta miisaaniyadda 2025 iyo sida ay u qeybsantahay.

Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025, waxaana ay su’aalo la xiriira habka ay miisaaniyada u qeybsantahay weydiiyeen Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka joogay islamarkaana ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay doodda miisaaniyadda dowladda ee 2025 dibna loogu celiyay Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal si uu ugu soo daro fikradaha iyo doodaha Xildhibaanadda dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

Related posts

Soomaaliya iyo Qadar oo ka shaqeenaya isku xirka Suuqyada Shaqada ee labada dal

Cabdi Cade

Dooni mareysay meel ku dhow xeebaha Somalia oo gantaal lagu burburiyey

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay ninkii Dilay Wasiir Cabaas Cabdullahi Siraaji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---