Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay weerarkii Isra’il ku qaaday Iran iyo sida warbaahinta uga hadleen

Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Iran oo uu soo xigtay telefishinka Al Jazeera , ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran inay ku dhinteen inta uu socday weerarkii xalay ay Israa’iil ku qaaday xarumaha militariga ee Iran, iyadoo la sheegay labada askari inay ku dhinteen inta ay ku jireen ka hortagga weerarka Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran , ayaa soo saartay warsaxaafadeed lagu sheegay; “Waxaan cambaareyneynaa gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah xarumaha militariga Iran waxaanan u aragnaa mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo madax-banaanidayada… Waxaan xaq u leenahay inaan iska difaacno gardarro kasta oo shisheeye si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay —Waxaan cadeyneynaa in aan adeegsan doono dhammaan awoodeena si aan u difaacno amnigeena, danteena, iyo sida ay nooga go’an tahay amniga gobolka.”

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay dhowr dal Carab iyo Yurub ka tirsan inay Iran siyeen digniin la xiriirta weerarka Israa’iil saacado ka hor inta uusan dhicin, markaa oo ay sheegeen inay uga digeen Israa’iil inay weerarto goobaha nukliyeerka iyo shidaalka.

Wargeyska Walla iyo shabakadda Axios ayaa labaduba sheegay inay Israa’iil ku wargelisay Iran ka hor inta aysan weerarka qaadin, iyadoo loo marayo dal saddexaad,markaa oo sidoo kale la sheegay inay Israa’iil uga digtay Iran — inaysan iskudayin ka jawaabida weerarka oo ay sheegeen haddii ay dhacdo in weerar ka culus midkii xalay inay dhankooda qaadi doonaan.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa ku warrantay; “ Israa’iil waxa ay awooday in ay weerarto goobo Iran ku yaalla,laakin run ma aha inay Israa’iil beegsatay 20 goobood oo ku yaalla gudaha Iran , sidoo kale xaqiiqo ma aha tirada diyaaradaha ay sheegtay Israa’iil inay ku weerartay gudaha Iran — warbixinta oo sii socota ayaa lagu sheegay ; “ Diyaradaha Israa’iil ma aysan soo gelin hawada Iran, duqeynta Iran waxaa laga fuliyay waddan kale.” Waxaa kalo warbixintan lagu sheegay inaysan jirin waxyeelo soo gaartay xarumaha Ilaalada Kacaanka Iran , halka isla warbixinta ay sheegtay inay Israa’iil doonayso weerarkeeda daciifka ah inay ka dhigto ‘wax weyn’.

Waxay u muuqataa warbixinta Tasnim in lagu gudbinayo weerarka Israa’iil inuu ahaa mid daciif ah oo aan u baahnayn wax jawaab ah oo ay ka bixiyo Iran.

Wargeyska The Telegraph ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iran inuu ahaa mid xaddidan oo lagu beegsaday saldhigyada militariga, iyadoo si dhow ay Israa’iil ula xiriiraysay inta uu weerarka socday Mareykanka.

•Wargeyeka New York Times, oo soo xiganaya saraakiisha Iran ayaa sheegay in goobaha ay beegsatay Israa’iil inta uu socday weerarka Iran inay ku jiraan halka uu yeello nidaamka difaaca S-300 ee garoonka Khomeini.

Sida ay Al Jazeera ka soo xigatay warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka militariga Jordan , ma jirto diyaarad Israa’iil ah ama diyaarad kale oo militari oo ku duushay hawada Jordan inta uu socday weerarkii ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iran.

Shabakadda Politico, ayaa ka soo xigatay sarkaal Mareykan ah ; “Ma jiro qalab milatari oo Maraykanku leeyahay oo ku lug lahaa hawlgalka Israa’iil.”

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Sucuudiga iyo Cumaan ayaa soo saaray labo warsaxaafadeed oo ay ku dalbanayaan in xiisadda gobolka la dejiyo, iyagoo sidoo kale cambaareeyey duqaymaha ay Israa’iil ka geysatay gudaha Iran.

Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda khatarta ah ee bariga dhexe oo ay ugu dambeysay weerarkii Israa’iil, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo sidoo kale lagu cambaareeyay dhammaan tallaabooyinka wax u dhimaya amniga gobolka bariga dhexe.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka , ayaa ku baaqday in la joojiyo daandaansiga ka dhanka ah Iran, iyadoo lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay inay Moscow diyaar u tahay la shaqeynta dhammaan dhinacyada si loo dhimo xiisadda iyo inaysan fidin.

Ururka Xamaas; “ Waxaan boggaadinayna diyaargarowga Iran iyo difaaceeda cirka iyo sida ay uga jawaabeen weerarkii Israa’iil, ee lagu guuleystay in meesha laga saaro waxtar-kiisa.”

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid wuxuu ku sheegay weerarkii ay xalay Israa’iil ku qaaday Iran ; mid daciif ah , wuxuuna is waydiiyay sababta aan loo beegsaday xarumaha shidaalka iyo bartilmaameedyada kale oo xanuujinaya Iran.

Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka, Mike Johnson, ayaa yiri isagoo ka hadlaya weerarkii xalay; “Adduunku waa inuu oggaadaa inaan si buuxda u taageeri doono Israa’iil haddii Iran ay sii wado rabshadaha.”

Sky News Arabia, ayaa ku warrantay inay Iran wargelisay Israa’iil iyadoo u marinaysa dal saddexaad inaysan ka jawaabi doonin duqeymihii xalay.

W/T Iman Jama

Related posts

Wasiirada & Xildhibaanada Hawiye oo caawa kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali

Imisa jeer ayaa la weeraray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye?

Caydiid Ali

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali