Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka carooday Khariidad DFS soo saartay kana digay Dagaal

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , oo saakay hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland , ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.

Siciid Deni ayaa si adag uga falceliyay khariirad la sheegay in ay soo saartay sidoo kale adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ee maamusho Puntland ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, waxa uuna xusay in dowladda ujeedkeedu yahay in halkaasi ka huriso colaad.

“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, maamulada Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland , ayaa imaanaya xilli khariidad ay sameesay dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta saakay lagu faafiyay baraha buldshada, taa oo si weyn dadka qaar uga falvceliyeen.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul ka tirsan Maamulka Somaliland oo caawa la dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shacabka Muqdisho ugu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha DF

Caydiid Ali

Dhalinyarada Muqdisho oo helay Shaqo Fudud oo ay noloshooda ku maareeyaan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---