Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo Shaacisay goobaha ay weerareen Diyaaradaha Israa’iil iyo sida ay uga …

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil , ayaa saakay aroortii duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday saldhigyo milatari oo kuyaalla gudaha dalka Iran, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo weerarkaasi ka dhashay, inkastoo aan wali si rsami ah loo shaacin.

War kasoo baxay milatariga dowladda Iran ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay duqaymo la beegsatay saldhigyo ku yaalla saddex gobol oo katirsan dalka Iran, duqeymahaasi ayeyna sheegeen milatariga Iran in badankood laga hortagay lana fashiliyay.

Milateriga Iran ayaana xaqiijiyay in duqeymaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo waa weyn oo militari  kuwaa oo ku kala yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo Tehran, waxaana duqeymhaasi la sheegay in ay ahaayeen kuwa aad u cuslaa oo saldhigyadaasi lala eegtay.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee dalka Iran oo laga akhriyay talefishinka qaranka, ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israa’iil badankood laga hortagay , waxaana telefishinka lagu baahiyay muuqaalo laga soo qaaday goobihii ay weeraradu ka dhaceen oo aysan waxyeelo weyn ka muuqan.

Milateriga Iran ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay xaddideen khasaaraha ka dhashay duqeymaha Israa’iil, waxa ayna intaa ku dareen in ay diyaar u ahaayeen kahortaga weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil saakay aroor hore kusoo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Daawo:-Musharax Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

admin

Siyaasiga Farxaan Cali Axmed oo ku biirey musharaxiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---