Allbanaadir.com
NEWS

Isra’il oo weerar aargoosi ah ku qaaday Iran iyo xogta goobaha ay weerareen

Isra’il ayaa sheegtay in ay aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah weerar cirka ah ku qaadday saldhigyo millatari oo ay ku yaalla dalka Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay uga aargudaneyso duqeymihi cuslaa ee ay Iran ku garaacday Isra’il horraanti bishan October.

Weerarka ay Isra’il saakay waabarigi ka hor ku qaadday Iran ayaa ka dhigan tallaabadi u danbeysay ee colaadda sii xumaneysa ee ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo sababtay dhimashada tobnaan kun oo ruux muddo ka badan sannad.

Ma jio war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Iran oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo aad u waaweyn laga maqlay muddo ku siman laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo hareeraheeda, gaar ahaan saldhigyada millatariga.

Laba sarkaal oo Israa’iili ah oo qariyay magacyadooda ayaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay in Isra’il aysan weerarin xarumaha Iran, balse ay bartilmaameedsatay saldhigyo millatari.

Iran waxay xirtay marinnada hawada ee ku aaddan xaduudaheeda isla maanta oo Sabti ah. Duulimaadyada mari lahaa hawada Iran, Ciraq, Suuriya iyo Lubnan ayaa la weeciyay sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Rueters, in Isra’il ay ku wargelisay xukuumadda Washington weerarka ay ku qaadday Iran. Saraakiishan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanka uusan ku lug laheyn weerarkaasi.

Related posts

Shacab badan oo ku dhintay gaari khudaar siday oo miino ay kula qaraxday..

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Kheyre oo codsaday in Somalia laga qaado cuna-qabataynta hubka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hirshabelle oo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo fasaxo kursiga Fahad Yaasiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---