Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo ka dhawaaqay hadal dad badan oo Soomaaliyeed niyadda u dhisay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan maanta si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga, waxaan ku rejo weynahay in aan ka baxno saboolnimada dadkeenii dib u dhigay” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkiga, kuwaas oo ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi o uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

 

Related posts

Duuliye ka dhergay qamri badan oo sabab u noqday in la baajiyo duulimaad Caalami ahaa

Cabdi Cade

Dhalinyaro kufsi wadareed arxan daro ah geysatay oo xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Yaa iska leh dhulkii lagu dagaalamay ee degmada Hodan? (DF oo War ka soo saartay)

Caydiid Ali