Allbanaadir.com
NEWS

Xogta xirmooyinka Shidaalka halka uu ka baarayo Markabka Oruc Reis

Waxaa maanta dekadda magaalada Muqdisho kusoo xirtay markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga, markabkan ayaana shidaal baaris ka bilaabaya xeebaha Galmudug oo ah qeybaha uu sida rasmiga ah baarista shidaalka uga sameynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood , ayaana markabkan sahminta shidaalka bilaabaya kusoo dhaweeyay dekadda weyn ee Muqdisho, kaddib munaasabad kooban oo soo dhaweyn ah oo halkaasi ka dhacday.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in xirmooyinka shidaal baarista uu ka sameynayo Markabka Turkiga ee Oruc Reis ay yihiin ilaa saddex xirmo oo badda ah ah Offshore.

Waxa uu xusay wasiiurka in xirmooyinka shidaalka uu baarayo markabka  Oruc Reis ay kala yihiin 142, 152 iyo 153 oo dhammaan ku yaalla xeebaha deegaannada Galmudug, waxaana howlgalka baarista shidaalkan uu socon doonaa muddo todobo bilood ah.

Markabka Oruc Reis , waxaa la socda maraakiib kale oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo ilaalin doona markabkan sahminta shidaalka ka bilaabaya Soomaaliya, waxaana la filayaa in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo sahminta shidaalka uu sameenayo markabkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Fool ka fool ah oo dhax maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Cabdi Cade

DEG DEG: Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Itoobiya Seyoum Mesfin oo la dilay

Caydiid Ali

Turkiga oo Hanjabaad culus soo saaray kadib Markab iyo Shaqaale laga qabsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---