Allbanaadir.com
NEWS

Xassan oo qaabilay Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Turkiga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dallka soo gaaray

Wafdigan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna oo saaka ku soo xirtay Muqdisho

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdi kale oo ka socda Turkiga uuna horkacayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Turkiga waxayna dhamaantood ka qeyb galayaan munaasabad balaaran oo maanta ka dhaceysa dekeda Muqdisho

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Nuqul ka mid ah Kitaabka Quraanka oo lagu gubay ka soo horjeedka Safaarada Masar

Caydiid Ali

Baarlamanka Galmudug oo Maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta Guddoonka

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Arimo Xasaasi ah kala hadlay Amiirka Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---