WAR-SAXAAFADEED
Bayaanka DFS ee Imaatinka Oruc Reis, Markabka Cilmi-baarista ee Badda Turkiga ee Ururinta Xogta Seismic ee 3D ee Biyaha Soomaaliya
Muqdisho, 25 Oktoobar, 2024:
Maanta, waxaan u dabaaldageynaa guul muhiim ah anagoo Soomaaliya ku soo dhaweynayna Oruc Reis, oo ah markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga. Markabkani waxa uu qaban doonaa hawsha ugu muhiimsan ee samaynta xog ururintii seismic 3D ee abid ugu horeysay ee laga sameeyo dhulkeena badda. Dhacdadani waxay muujinaysaa rajo iyo horumar, taasoo ka dhigan tallaabo muhim ah oo loo qaaday ka faa’iidaysiga awoodda dhaqaale ee ballaaran ee Soomaaliya.
Sahaminta shidaal-biyoodka ee badda Soomaaliya waxay u haysaa fursado wax-ka-beddelaya umaddeena ah, iyada oo awood u leh in aan daaha ka qaadno kheyraadka horseedi kara horumar iyo barwaaqo waara.
Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa in cilmi-baarista la sameynayo 5-ta illaa 7-da bilood ee soo socda ay xaqiijin doonto awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay abuurto warshado shidaal oo ganacsi ahaan wax ku ool ah. Daah-furka noocan oo kale ah wuxuu aasaas ahaan u beddeli karaa muuqaalkeenna dhaqaale, soo jiidashada maalgashi cusub, abuurista shaqo, iyo kobcinta korriinka muddada dheer.
Guushan ayaa ka tarjumeysa sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay maamulka hadda jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kor u qaadista amniga iyo horumarinta qiyamka dimoqraadiyadda. Hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaaliya barwaaqo iyo xasillooni waxay sii wadaa inay dhiirigeliso hindisayaasha geesinimada leh ee kan oo kale ah, taasoo ummaddeenna ku hoggaaminaysa mustaqbal ifaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelineysaa saaxiibada Turkiga iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay mashruucan muhiimka ah. Waxaan weli rajo ka qabnaa saameynta wanaagsan ee sahamintani ku yeelan doonto mustaqbalka Soomaaliya.
DHAMAAD
HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO ENGLISH AH.