Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay G/Gaduud

Dagaal culus ayaa saaka waaberigii ka dhacay deegaano ka tirsan waqooqiyga gobolka Galgaduud kaasoo dhexmaray maleeshiyooyin iska soo horjeeda.

Arroortii saaka ayuu dagaalkan ka bilowday degaanka Jabsiile oo u dhow Laandheere oo ah deegaan u dhexeeya Xeraale iyo Cabuddwaaq.

Dagaalka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan shan qof iyadoo dhawacuna la sheegay in ay gaarayaan 10 qof.

Inkastoo dagaalka uu markii dambe u istaagay si iskiis ah haddana waxaa laga cabsi qabaa in dhinacyada dagaalamay ay mar kale fooda is daraan.

Dagaalka ayaa mudadii u dambeysay dhulkaas uga dhacayay si goos goos ah. Miliishiyooyinka qabaa’ilka deegaanadaas ayaa ku dagaallamaya lahaanshaha dhul halkaas ku yaal.

Dadadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo kala qaaday Cabudwaaq iyo Xeraale. Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo Ceel laga qodayay deegaanka Laandheer.

 

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Saraakiil katirsan NISA oo amarkiisa jabiyay

Cabdi Cade

Amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya habeen iyo maalin & Shacabka oo qaati ka taagan dhaca iyo dil oo …!!

admin

Natiijada Dacwada Badda Ma Saameyn Doontaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---