Allbanaadir.com
NEWS

Markabkii sahminta Shidaalka oo Muqdisho soo gaaray

Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ay ka socotaa Dekadda Magaalada Muqdisho, Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa soo dhaweynta.

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis ayaa Horraantii bishan Madaxweynaha iyo Wasiirka Batroolka XFS ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay markabka  oo ka dhacday Dalka Turkiga.

Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqisho gaar ahaan kuwo ku dhow dekeda Muqdisho ayaa xiran si loo sugo amaanka markabka iyo madaxda ka qeyb galaysa soo dhoweyntiisa.

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho jooga wafdi uu horkacayo Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Turkiga oo ka qeyb galaya munaasabada soo dhoweynta markabkaas oo shidaal sahmin ka bilaabaya xeebaha Galmudug

Waxaa Markabkan galbinaya qaar ka mid ah maraakiibta dagaalka ciidamada badda Turkiga oo ka soo raacay dalkaasi si ay amaanka markabkaas u sugaan

Related posts

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay shilkii dhexmaray ciidanka NISA & Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo : Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Casharo Dastuuri ah u dhigay Madaxweyne Farmaajo

admin

Dowlada Kenya oo Itoobiya ku wareejisay Muwaadiniin Shiinees ah oo Dil loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---