Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Danjire Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa qeyb ka saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca u adkaysiga Isbeddelka Cimilada beeraha ee Soomaaliya, ‘𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐥𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐀𝐠𝐫𝐢𝐜𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚.’
Heshiiskan waxaa ansixisay Sanduuqa 𝐆𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐅𝐮𝐧𝐝 (𝐆𝐂𝐅).
Wasiir Khadiija ayaa uga mahad celisay cid walba oo gacan ka gaysatay in halkan la soo gaaro.
Mashruucan ayaa bilow u ah dedaalka ay Dowladda Soomaaliya xal-waara ugu heleyso xaaladaha daran ee isbeddelka cimilada, cunno yarida iyo saboolnimada.
𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ayaa 𝐥𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 dhowaan 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐝𝐤𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada JFS, Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.
Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.
“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah.