Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Sarkaal ka tirsan Al shabaab & ilaaladiisa oo la dilay..

Ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay waqooyiga gobolka Jubada hoose ku khaarijiyay Horjoogihii Al-shabaab ugu sareeyay dhinaca qaraxyada iyo koox kale oo la socotay

Waxaa magaciisa lagu sheegay sarkaalka la dilay Goobe Sida aan soo xiganay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland

Howlgalkan ayaa yimid ka dib dhawaan la helay xogta in gobolka Jubada hoose meelo ka mida ay socdaal ku yimaadeen horjoogayaal sar-sare, waxayna helitaanka xogtaasi sahashay in dhawaanahan la joogteeyo howlgalada ka dhanka ah al shabaab

Deegaan dhaca aagga howdka Dhasheek waamo ayuu ka dhacay dhowlgalkan waxaana sarkaalkan lala khaarijiyay todobo dagaalyahan oo isaga la socotay kuwaasoo ku jiray safarka degaano kale.

Related posts

Shir looga hadlayo kobcinta culuunta Injineeriyada iyo Tiknoolijiyada oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi dhaliilay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha milatariga

Cabdi Cade

Waa kuma Ninka Muslimka ah ee laga yaabo inuu noqdo RW cusub ee Britain?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---