Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo ansixisay lacagta miisaaniyadda sannadka soo socda oo gaareysa….

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo golaha wasiirrada Jubbaland ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.

Miisaaniyadda maamulka  Jubbalabd , ayaa sare u kacday sannadka soo socda, waxaana lacagaha miisaaniyadda ee maamulka Jubbaland ka timaadaa dhinaca dekadda Kismaayo iyo lacagaha kabka ee dowladda bixiso.

Related posts

Ciidamada Kenya oo Shaaciyay in ay dileen xubno katirsan kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Soomaali loo diyaariyey la dagaalanka TPLF oo tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab iyo hubkiisa oo la soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---