Allbanaadir.com
NEWS

Terminal casri ah oo loo dhisao garoonka Shaati Gaduud oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha terminalka garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Terminaalka cusub ee garoonka Shaati-Gaduud ee kuyaalla magaalada Baydhabo ayaa la qorsheeyay in si casri ah loo dhiso, waxaana dhaqaalaha ku baxaya dhismaha terminaalka la sheegay in ay ka yimaadeen dhinacyo kala duwan oo maamulka ku taageeray.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabsicasiis Laftagareen oo ka hadlay dhagax dhiga terminaaka garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, ayaa sheegay in dhismahan qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo deegaannadda maamulkiisa.

Maamulka Koonfur Galbeed uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, ayaa sannadihii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka hirgaliyay mahaariic kala duwan oo hurumarineed, waxa uuna maamulka hadda qorsheenayaa in mashaariic kale oo laga fuliyo deegaannada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka TPLF oo si kulul u beeniyey hadal ka soo yeeray Midowga Afrika

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo isku diiwaangeliyay Doorashada Kursigii Laftagareen ku fadhiyay

Cabdi Cade

Khayre oo beri u ambabaxaya safar uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---