Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Iran oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Ammaanka

Madaxweynaha Iran  Masoud Pezeshkian ,ayaa dhaleeceeyay  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uuna sheegay in golaha uu ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan colaada bariga dhaxe , gaar ahaan dhibaatada Isra’il ka geesaneyso dhulalka Falastiin iyo Lubnaan.

Masoud Pezeshkian, ayaana si kulul u weeraray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu sheegay inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan colaada bariga dhexe, waxa uuna xusay waxa dhacaya kaliya indhaha ka eeganayaan ayna sameeneyn ficil waxtar leh..

“Dabka dagaalku wuxuu weli ka socdaa Marinka Gaza ee Falastiiniyiinta iyo magaalooyinka Lubnaan, iyo hay’adaha caalamiga ah iyo shirarka, iyo ugu sarreeya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ah darawallada nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa ka maqan waxtarka lagama maarmaanka ah si loo damiyo. dabka shidan ”  ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo ka hadlay  kulanka BRICS ee Ruushka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan xasuuqa ay Israa’iil ka geesaneyso magaalada Gaza iyo sidoo kale magaalooyin kuyaalla Lubnaan, waxaa sidoo kale xasuuqa Israa’iil sheeda ka eeganaya waddamada reer Galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilalkaasi

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo aamini waayay Mahdi Guuleed Sirdoona daba dhigay !! (Daawo Sawirro)

admin

Fagaare kuyaalla Muqdisho oo saakay lagu toogtay Shucayb Cabdullaahi iyo Saadaq Cabdi Jabaar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---