Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.
Safiirka ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada Golaha Shacabka iyo sidoo kale guud ahaan horumarada ay ku talaabsaneyso dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay xiriirka ka dhaxeeya labada wadan uu meel wanaagsan marayo sidoo kalena dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay xoojinta taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dowladda Sucuudiga uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya ay ka siiso dhinacyo kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com