Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil iyo Xisbullaah oo duqeymo culus isugu jawaabay iyo khasaaraha ka…

Diyaaradaha dagaalka maamulka Yahuuda ee Isra’il ayaa Arbacadi madaafiic ku garaacay magaala xeebeedka Suur ee galbeedka dalka Lubnan, halka Xisbullah ay sheegtay in ay madaafiic ku garaacday magaalada Tel Avivi.

Wakaaladda wararka Lubnan ee NNA ayaa ku warrantay in duqeyn kale oo ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen magaalada Macrakah lagu dilay saddex qof. Dhinaca magaalada Suur wali lama soo sheegin khasaaraha rayidka.

Xisbullah ayaa dhankeeda sheegtay in ay gantaallo dhowr ah ku ridday Isra’il, kuwaas oo ay ku jireen laba madfac oo sababay in seeriga digniinta madaafiicda laga dhawaajiyo magaalada Tel Aviv.

Isra’il waxay sheegtay in afar madfac oo soo galay hawada Isra’il ay laba ka mid ahi uga hortageen hubka difaaca cirka, mid ka kalana uu ku dhacay dhul furan. Ma aysan sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay gantaallada ku dhacay Isra’il.

Tel Aviv ayaa waxaa ku suganaa xalay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo booqashadiisii 11-aad ku jooga halkaas, tan iyo 7-badi October ee sannadki hore, markaas oo billaabatay colaaddan lagu hoobtay ee hadda ka socota Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa Arbacadi xaqiijisay, in Isra’il ay duqeyn ku dishay Hashim Seyfuddiin, oo aad loo filyay in uu noqon lahaa ninki baddali lahaa hogaamiyihi hore ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, kaas oo ay Isra’il khaarijisay dhawaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qaraxyo & Weerar toos ah oo ka dhacay Ankara

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo war kulul ka soo saaray weerarkii ka dhacay Xeebta Liiso

Caydiid Ali

Khiyaano yaab leh oo lagu qaadan jiray Viisaha Turkiga oo la ogaaday iyo saameyn xun oo ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---