Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Turkiga oo Weerar aargoosi ah fuliyay kaddib weerarkii Ankara

Ciidanka milatariga dowladda Turkiga , ayaa weeraro aargoosi ah oo looga jawaab celinayo   weerarkii shalay ka dhacay magaalada Ankara ka fuliyay xeryo ay leeyihiin kooxda Kurdiyiinta , kuwaa oo kuyaalla deegaanno dhaca dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa  sheegtay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Turkiga ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Ciraaq iyo Waqooyiga Suuriya ay ku burburiyeen, ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin PKK.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca dowladda Turkiga ayaa sidoo kale lagu  sheegay in ay duqeymaha ay ciidankooda  fuliyeen lagu dilay laguna dhaawacay  tiro badan ka mid ah dagaalyahannada ururka PKK, balse ma aysan xaqiijin tirada saxda ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Turkiga ayaa weerarkii shalay ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga  ku eedeeyay kooxda mamnuuca ka ah Turkiga ee PKK, oo ah koox u dagaalanta xorriyadda Kurdiyiinta Turkiga.

Weerarkii shalay ka dhacay Ankara ayaa lagu dilay 5 qof , halka lagu dhaawacay 22 qof oo kale,  kaddib marki laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee Warshadda Diyaaradaha iyo Dayax-gacmeedyada Cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha magacaaban oo gurigiisa ku booqday Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka sare oo kahor yimid Guddi uu Magacaabay R/Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Xogta kulan Mahadaay ku dhexmaray Taliyaha Ciidanka dhulka & Saraakiisa ATMIS

Caydiid Ali