Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarkii Ankara

WAR-SAXAAFADEED

Somaliya waxay cambaareysay weerarka argagixisanimo ee lagu qaaday Warshadaha Diyaaradaha Turkiga( Turkish Aerospace Industries).

Muqdisho, Oktoobar 23, 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u canbaaraynaysaa weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag.

Weerarkan arxandarrada ah ma ahan oo kaliya mid ka dhan ah Turkiga, Balse wuxuu dharbaaxo ku yahay nabadda iyo amniga caalamka. Argagixisada, nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar ku tahay xasilloonida dalalka iyo badqabka dadka oo dhan. Soomaaliya, oo muddo dheer dagaal kula jirtay argagixisada, si qoto dheer ayay ula damqanaysaa walaalaheeda Turkiga waxayna la wadaageysaa murugadooda.

Waxaan bogaadinaynaa jawaabta degdegga ah ee ciidamada amniga Turkiga, waxaana ku kalsoonahay in kuwa mas’uulka ah lala xisaabtami doono. Soomaaliya waxay xaqiijineysaa go’aankeeda ah inay sii waddo wada shaqeynta ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada. Iskaashigeenu wuu ka xoog badan yahay intii hore , waxaana uu ku dhisan yahay qiyamka aan wadaagno, kalsoonida, iyo u heellanaanta nabadda.

Xilliyadan adag, Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay mideeyaan dadaallada iyo iskaashiga si looga hortago dhibaatada argagixisada ee caalamka oo dhan. Wadajir, waxaan xaqiijin karnaa in ficillada noocan oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeena ah inaan ilaalino dadkeenna iyo nabadda caalamka.

Dhammaad

Related posts

Duqa Muqdisho oo xerada Xalane kula kulmay Larry Andre ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo qaadeysa talaabooyin kadib fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo Jawaab uma waayin Su’aashii Sool iyo Sanaag ee sababtu maxay ahayd?

Cabdi Cade