Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey weerarkii ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Afar qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen weerar ay dowladdu ku tilmaantay fal argagixiso oo lagu qaaday xarunta warshadaha hawada ee Turkiga (TUSAS)

Goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen rasaas iyo qarax ka dhacay goobta u dhow Ankara.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa sheegay in laba qof oo weerarka soo qaaday la dilay, isagoo intaa ku daray in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.

Warfidiyeenada TV-ga ayaa soo bandhigay muuqaalada nin iyo haweeney hubeysan oo gudaha u galay dhismaha TUSAS.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo uu wehliyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin shirka BRICS ee ka socda magaalada Kazan ee dalka Ruushka, ayaa cambaareeyay weerarka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah uu dhacay, isla markaana ay jiraan dad ku sugnaa gudaha dhismaha.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in shaqaalihii ku jiray dhismaha ay maamulku u kaxeeyeen meelo gabaad ah, mana jirto cid loo oggolaaday inuu ka baxo dhowr saacadood. Waxa ay sheegeen in qaraxyada ay maqleen laga yaabo in ay ka dhaceen meelo kala duwan oo laga baxo, xilli shaqaalaha ay ka soo rawaxayeen shaqada maalintaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii dambe ay bilaabatay daadgureynta shaqaalaha xarunta TUSAS, waxaana loo ogolaaday in basaska ay baxaan maadaama howlgalka uu dhamaaday.

Warfidiyeenada ayaa soo bandhigay sawirada albaabka burbursan iyo muuqaalada rasaasta la is waydaarsanayay oo ka dhacday meel baabuurta la dhigto, sidoo kale waxaa soo muuqday kooxihii weerarka soo qaaday oo watay qoryaha darandooriga u dhaca iyo boorsooyinka dhabarka lagu qaato markii ay gudaha u galeen dhismaha. Gawaarida ambalaasta iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa markii dambe yimid.

Shirkadda TUSAS ayaa ah shirkadda ugu weyn ee soo saarta matoorada iyo qalabka hawada sare ee dalka Turkiga, waxayna hadda soo saartaa farsamooyin tababar, dagaal iyo diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah. Waxaa iska leh Hay’adda Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga iyo dowladda, waxaana u shaqeeya in ka badan 10,000 oo qof.

Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in isbaheysiga militariga ay garab istaagi doonaan xulafadooda Turkiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Guddoomiye Mursal oo Magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiyaha cusub ee Sudan oo bayaankiisii ugu horeeyey soo saaray

Caydiid Ali

Markab ku soo jeeday dekeda Muqdisho oo laga afduubtay Badweynta India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---